Ugu danbayn Aamiin X.Khayr oo laga dhigay Lataliyaha Amniga MW PL

Garoowe: 05 May 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 11 ee 5-ta May 2024, kuna saabsan magacaabid La-taliye Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Aminga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jen.Maxamed-Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay La-taliye Sarre ee Madaxweynaha ee Arrimaha Aminga.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading