Ugu danbayn dadaal xoog leh kadib Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,ayaa sii daayay dhamaan Wasiiradii xasaanada ubaahnaa ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Deni.
Waxaa Oggol ugu codeeyay 45-Xildhibaan,waxaa diidmo ugu Codeeyay 2-Xildhibaan,wax ka aamusay majiraan.
Xubnaha Golaha Wasiiradda ee xasaanada helay,ayaa kala ah..
- Wasiir, Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.
- Wasiir, Maxamed Siciid Maxamed (Faroole), Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga
- Wasiir, Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.
- Wasiir, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
- Wasiir, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Wasiiru- Dawlaha Madaxtooyada Dawladda Puntland.
- Wasiir, Maxamed Cabdirisaaq Dayib, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Fadhiga waxaa joogay 47-Xildhibaan.
Waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare.
Dhaarta Dastuuriga ah:
” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.”.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.