Ugu danbayn Xasan Sh. oo dalbaday in aan Ciidamada Atmis laga saarin Somaliya

Wakaalada Wararka Reuters,ayaa heshay warbixino ay DFS  codsi ahaan ugu dirtay Taliska Ciidamada Atmis.

Codsiga Dowlada Fadaraalka Somaliya ay dirtay,ayaa ah in Ciidamada ATMIS gaabis la geliyo qorshahooda bixitaan.

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,waxay si cad udalbatay in aysan Atmis ka bixin Dalka,iyadoo qiratay in Wadanku qarka u saaran yahay  in uu galo Gacanta kooxda AlShabaab haddii Ciidamada ATMIS ay wada baxaan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Shabaab soo bandhigeen dhoolatus Ciidan oo xoog badan.

Sidoo kale warbixin ay baahiyeen warbaahinta Reer Galbeedka,ayay ku sheegeen in AlShabaab soo xoogaysteen dibna uqabsadeen 6-dii Bilood ee udanbaysay Dhul Laba Sano ka hor laga saaray.

Warbixintaas ayay Warbaahinta Galbeedku,waxay kaloo ku qireen jabka iyo kala daadsanaanta Ciidamada DFS soo wajahay.

Xasan Shiikh oo ka hadlayay Oslo Forum,waxa uu sheegay in dagaalka lagula jiro Alshabaab uu ku danbayn doono wada hadal oo ay dhankooda diyaar uyihiin,hhadalkaasoo muujinayay quusta uu kasoo istaagay ka adkaanta Shabaab.

Dhanka kale, Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda Uganda Henry Okello Oryem oo hadlay,ayaa yiri..

“Ma rabno inaan galno xaalad baqo carar ah si la mid ah tii ka dhacday Afgaanistaan”.

Warbixinada kasoo baxaya jihooyinka kala duwan,waxay  ceebeeyeen Xasan oo horay ugu faanay in uu ka adkaaday Shabaab oo ku guulaystay Wajigii hore ee dagaalka.

SOURCE: Reuters https://www.reuters.com/world/africa/somalia-asks-peacekeepers-slow-withdrawal-fears-islamist-resurgence-2024-06-20/


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading