Uhuru kenyata iyo Donald Trump oo kualan muhiim ah wada qaadan doona

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa aqalka cad ee looga arrimiyo dalka kulan kula qaadan doonaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka hor inta aysan kulan kale oo labo geesood ah la yeelan waftiga labada dhinac.

Kulankooda ayaa la sheegay inuu qaadan doono muddo 20 daqiiqo ah.

Mareykanka ayaa ah isha ugu wayn ee howlaha dalxiiska Kenya.

Kenya waxay ku rajo wayn tahay in duulimaadka tooska min New York ilaa Nairobi ee bilaabanaya bisha Oktoobar uu xoojin doono ganacsiga dalxiiska.

Kenya ayaa loo arkaa saaxibka ugu muhiimsan ee Mareykanka marka ay timaado la dagaalanka aragagixisada ee gobolka bariga Afrika.

Trump iyo Kenyatta ayaa sidoo kale ka wada hadli doonaa xoojinta iskaashiga arrimmaha ammaanka labada dal.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading