Uhuru Kenyatta oo Magacaabay Guddi xaliyay Xiisada Dublamaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya.

NAIROBI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee dalkiisa kala dhexeeysa Soomaaliya, kaasoo sababay in Safiirada labada dal ay caasimadahooda dib ugu kala  laabtaan.

Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay inuu Guddi u saaray khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya, kuwaasoo soo baari doona halka ay iskala qaadeen labada dal iyo sida ay tahay in loo wajaho.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Golihiisa Wasiirada oo shalay gelinkii dambe kulmay, ayaa isku raacay in la sameeyo Guddi farsamo oo ka socda dalka Kenya, kuwaasoo shaqadooda ay noqoneyso sidii ay xal wadahadal ah ugu dhameyn lahaayeen khilaafka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Xukuumada Soomaaliya.

Si kastaba dowlada Kenya ayaa 16-kii bishan, dib ugu yeertay safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya inuu ka baxo dalka Kenya.

Kenya waxey ku sheegtay sababtaas iney tahay mid la xiriirto, iyadoo aaminsan in dowlada Soomaaliya ay ku dartay xaraashkii ay ku sameysay shidaalka iyo gaaska Soomaaliya deegaano ka mid ah dalka Kenya, taasoo ay dowladda Soomaaliya waxba kama jiraan ku tilmaamtay.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading