Uhuru oo aan fagaarayaasha lagu arag laba todobaad

Waxaa soo baxaya walaac ay qabaan shacabka dalka Kenya kadib markii labadii toddobaad ee la soo dhaafay aan Madaxweyne Uhuru Kenyatta lagu arag meel fagaare ah.

Uhuru Kenyatta ayaa makii ugu dambeysay waxa uu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Shiinaha, waxaana baraha bulshada ay adeegsadaan shacabka Kenya hareeyay baafin ku saabsan halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Waxaa lagu daabacay baraha bulshada baafin lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ku dambeeyay Uhuru Kenyatta, iyadoo la soo daabacay #FindPresidentUhuru, mana ahan wax hore loogaga bartay Uhuru Kenyatta in laga waayo meel fagaare ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading