UK io ku biirtay Wadamada xiraya Netanyahu haduu Wadamadooda yimaado

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu mutaysan doonaa xarig hadii uu tago dalka Ingiriiska, kadib markii amar soo qabasho ay u jartay Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah ee ICC, sida uu sheegay xafiiska Lambar 10 ee laga xukumo Ingiriiska.

Afhayeen u hadlay xafiiska Lambar 10,ayaa diiday in wax hadal ah uu ka dhiibto kiisja, balse waxa uu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay in ay fuliso “Waajibkeeda Sharciga ah”.

Maalintii Khamiista Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC),ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu, iyo Wasiirkii hore ee difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gasa.

Waddamada xubnaha ka ah maxkamadda, oo ay ku jirto UK, ayaa saxiixay heshiis ku waajibinaya inay ku dhaqaaqaan amarka qabashada.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading