Uk oo ka cafisay Somaliya daymihii ay ku lahayd

Dowladda Ingiriiska,ayaa waxay Somaliya si buuxda uga cafisay deymihii,iyadoo la dhammaystiray hindisaha Dalalka Saboolka looga cafinayo daymaha ee HIPC.

Tillabadan oo looga golleeyahay in uu Somaliya ka caawiyo galaangalka ay u yeelaneyso haya’adaha maaliyadda dunida,si ay u soo jiidato maalgashi caalami ah oo ka qaybqaata kobaca dhaqaalaha, iyo dhismaha Somaliya ammaan iyo xasilloon.

Ku-xigeenka Safiirka UKSam Thomas,ayaa arrintan shaaca ka qaaday ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshayWasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige.

“Maanta waxaan u xaqiijiyey Wsiirka Maaliyadda Biixiin, UK cafisey 100% qantii ay ku lahayd Soomaaliya”Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Danjire Thomas soo saaray.

 

Wasiirka Maaliyadda Somaliya Biixi Imaan Cige,ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay go’aanka UK.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading