Video:-UK oo Qaramada midoobay ugu baaqday in ay dadajiso magacaabista ergaygeeda Somaliya

Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Uk u jooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya ,xilli ay ka hadleysay kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha dalka Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaay ku sheegtay in looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii dowladda Federaalka iyo QM,isla markaana Soomaaliya ay xilligaan ku jirto waqti adag oo u baahan in laga gudbo.

Danjiraha Dowladda Britain u joogta Golaha Ammaanka ee QM, Karen Pierce ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa ay ugu baaqday inay xooga saaraan dhinacyada, Amniga, xasilooni Siyaasadeed iyo mid dhaqaale kana faa’iideysato fursadaha jira.

Sanadka soo socda ayay sheegtay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay,isla markaana lagu kala ogaan karo in marka la gaaro sanadka 2020/2021 ay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay balan qaadeen.

Si kastaba hadalkaan kasoo yeeray dowladda Uk ayaa kusoo aadaya xilli mudo laga joogo in ka badan 5 Bilood aysan Soomaaliya wax Wakiil ah u joogin Qaramada Midoobay,kadib markii dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Wakiilkii xiligaas ee Danjire Nicholas Haysom,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading