UK oo si weyn uga carootay Xasan Shiikh Oo Hub uraray Laascaanood

Qodobka xiisa leh ee laga helay xogta Safarka Safiirka UK ee Puntland,ayaa ah kulankii uu la yeeshay Bulshada rayidka ah ee PL hadalo uu ka yiri…..

“Laascaanood,waxaa ku wareegsan xaalado khatart leh,waxaana uga sii daray xaalka sida SL udhaqantay,waxaana muuqata in Xasan oo ka caraysan talaabada SL qaaday uu Laascaanood si hoose ula shaqeeyay oo wax uraray”Ayuu yiri Safiirku.

Ma sheegim Safiirku oo Afka kuma kala qaadin si rasmi ah waxa Xasan uraray Laascaanood waxa ay yihiin.

Balse Dadkii uu la hadlayay,waxay uqaateen in uu cara baabayo Saanad Hub in uu Xasan uraray Laascaanood.

Sidoo kale xogo aan ka helnay Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in waxa Xasan uraray Laascaanood ay tahay Saanad Hub ah.

Waxaa muuqata in reer Galbeedku aad uga xumaadeen talaabada Xasan qaaday ee uu LC Hubka ugu raray.

Reer Galbeedku ma ogola in lakala qaybiyo Dhulkii laysku oran jiray SL ee maxmiyadii Ingiriiska.

PL arimaha Sool iyo Sanaag awgood in badan ayay cadaadis aad uweyn ugaga yimid reer Galbeedka.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading