UK oo xoojinaysa taageerada dhaqaale ee ay siiso Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada Hargeysa kulan kula qaatay Safiirka Dalka Ingiriiska Amb. Kate Foster.

Kulanka Biixi iyo Foster xoojinta xidhiidhka labada dhinac, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Somaliland ee Golaha Wakiillada iyo deegaanka oo maalmo koobani inaga xigaan.

Ingariiska ayaa kamid ah dalalka taageerada dhaqaale siiya Somaliland, gaar ahaan Arrimaha dilmuquraadiyadda, Amniga iyo Mashaariicda hormarinta. Amb. Kate Foster ayaana balanqaaday inay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey.

Idil Television


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading