Ukrain oo weerar ku ekaysiisay Gudaha Wadanka Ruushka

Ukraine,ayaa Arbacadi shalay ku weerartay caasimadda Ruushka ee Moscow ilaa 11-Diyaaradood oo ah nooca aanan Duuliyaha laheyn, kuwaas oo uu Ruushku sheegay in Difaacooda Cirka uu burburiyay dhammaan Diyaaradahaasi.

Dowladda Ruushka,ayaa qirtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka mid ah weeraradi ugu weynaa ee ay Ciidanka Ukraine ku bartilmaameedsadaan Moscow, tan iyo marki uu billowday dagaalka Ukraine bishii Febraury ee Sannadki 2022-ki.

Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine oo in muddo ahba dhinacyadu isu adeegsanayeen Madaafiicda goobta, diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo duqeymo cirka ah, isla markaana ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee bariga Ukraine, ayaa 6-di bishan August waji kale yeeshay, kaddib marki ay Ukraine ciidamo u dirtay gobolka Kursk ee Bariga Ruushka dhanka xadka Ukraine.

Wasaaradda difaaca Ruushka,ayaa ku warrantay in difaacooda cirka uu dhulka soo dhigay ilaa 45-Diyaaradood oo ah nooca daroonka loo yaqaanno ee dhulka laga hago, kuwaas oo ay ku jireen 11 xabbo oo lagu weeraray Moscow, 23 lagu diray Gobolka xadka ku yaalla ee Bryansk, lix lagu weeraray gobolka Belgorod iyo shan diyaaradood oo lagu kala weeraray gobollada Kaluga iyo Kursk.

Ruushka,ayaa dhanka kale horumar ka sameynaya bariga Ukraine, halkaas oo ay ciidamadiisu hadda gacanta ku hayaan ilaa 18 boqolkiiba, waxay sidoo kale dagaal adag kula jiraan ciidamo ka tirsan Ukraine oo weeraray gobolka Kursk ee Ruushka.

Weerarkaas,ayaa noqday kii ugu horreeyay oo uu Ruushka lagu qaado tan iyo Dagaalkii Labaad ee Dunida.

Xigasho:-VOA


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading