Barta Twitter-ka, uu ku leeyahay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa lagu soo qorey fariin ah inuu gargaar dhanka cuntada ah uu u dirayo Somaliya.
Marka laga soo tago maraakiibtii hore ee u siday Badarka Afrikaanka, 28,600 oo tan oo sarreen ah, ayaa la keeni doonaa Soomaaliya toddobaadyada soo socda.
Madaxweynaha Ukraine,ayaa carabka ku dhuftay in tallaabadani ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto in Qamadiga lagula tacaalo cunto yarida soo food saartey dunida.
Hey’adda Qaramada Midoobay,ayaa saadaalisay in macaluul ay ka dhici doonto dalka Somaliya dhamaadka sanadkan,iyadoo ay ugu wacan tahay dagaalka uu Ruushka iyo Ukraine, oo wiiqay wax soo saarka Badarka ee ka imaan jiray Dalalkan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.