UNICEF oo bogaadisay hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cumar Hassan Fiqi oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda UNICEF,

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in Hay’adda UNICEF wax ka ogaadaan nidaamka Maaliyadda ee Dawladda Puntland iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Saraakiisha ka socday Hay’adda UNICEF ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta Wasaaradda shaqooyinka wanaagsan ee laga qabtay hanaanka Maaliyadda iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading