Update:-Saakay iyo hawlgalka sifaynta argagixisada

Sahanka Ciidanku,waxa uu galay Dhasaan oo ujirta Dhadaar 8-km ahna halka ugu danbaysa ee hawlgalka sifaynta ee Toga-jeceel iyo Dhulkii Xarumaha u ahaa argagixisada ee ay isa siisay.

Dhasaan Sahanku,waxba uguma tagin si la mid ah Dhadaar.

Argagixisada 500-ka mid ah,waa la dilay,wixii haray oo xogaha la helayo ay sheegayaan 180-350,waxay ufirxadeen…..

1.Buqo Caleed
2.Biyo-kulule
3.Miraale
4.Sixna.
5.Daanyo.

Curaar,xalay,waxaa looga dilay ku dhawaad 20 Maleeshiyadooda ah,waxaana xogaha la helayo sheegayaan in ay ka baxeen una gudbeen Biyo-kulule.

Argagixisada Carabta ah,waxay ufirxadeen Buqo-caleed,halka kuwii Somalida ubadan reer Koonfurka iyo Afrikaanka ay ufirxadeen Biyo-kulule.

Ciidamada Difaaca Puntland oo si xirfadle udaba socda argagixisada firxadkeeda,ayaa dhawr jiho kaga dhaqaaqay Togagaas.

Qiyaasta firxadka argagixisada soo afjaridiisa,waxay qaadan kartaa Bil kale.

Xogtan,waxaan kasoo ururinay Saraakiisha Ciidamada iyo Dhaawaca Ciidamada.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading