UPDATE: Shirar Siyaasadeed oo ka socda Garoowe iyo Xaalada oo cakiran

Shirar Siyaasadeed ayaa ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, kuwaas oo ay lee yihiin Xildhibaano kasoo hor-jeeda Xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Madaxtooyadda.

Shirka ugu balaaran ayaa ka socda Madaxtooyadda, waxaana uu u dhexeeya Madaxweyne Deni, Xubno katirsan Xukuumadiisa iyo Saaxibadiisa dhow ee Siyaasadda.

Shirarkan oo maalmihii ugu dambeeyay si joogta ah uga socday Garoowe ayaa sii xoogeystay saacadihii lasoo dhaafay kaddib markii uu furmay Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada, kaas oo uu Madaxweynuhu saaka kaga soo baxay carro.

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa su’aal adag lagu weydiiyay furitaankii Kalafadhiga Saaka, isagoona si adag uga jawaabay Su’aashaas, sidoo kalena xubno xildhibaano ah ku eedeeyay inay doonayaan inay la shaqeysato Madaxtooyaddu taas oo uu ka biyo diiday, sida uu sheegay Madaxweyne Deni.

Lama oga halka ay ku biyo shuban doonaan kulamada Siyaasadeed ee ka socda Magaalada Garoowe, iyadoona muddooyinkii ugu dambeeyay la hadal-hayay mooshino ka dhan ah Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirada ugu saameynta Badan Xukuumadda Madaxweyne Deni.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading