Urur siyaasadeedka KAAH oo bixiyay lacagtii lagu ganaaxay

Urur siyaasadeedka KAAH ayaa maanta guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ku wareejiyey lacag cadadkeedu dhan yahay $1,000 (kun dollar), oo ahayd ganaaxii uu dhowaan guddiga TPEC ku soo rogey ururka Kaah.

Maamulaha xarunta dhexe ee urur siyaasadeedka KAAH Mudane Maxamed Cabdullaaahi Maxamed(Sayga Ruushka) ayaa jeegga lacagta ku wareejiyey xoghayaha guud ee guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland Ubax Abshir.

Urur siyaasadeedka KAAH oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga TPEC ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xeerarka Guddiga, kaddib markii uu olale sharci-darro ah uu ka sameeyay tuulada xasbahale.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading