Ururka Dowlada hoose Ee Holan iyo W.Arimaha Gudaha Puntland oo heshiis kala saxiixday

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda VNG International oo ah ururka Dowladdaha Hoose ee Holland ayaa kala saxiixday labo heshiis oo laga hirgelindoono Puntland. Sidoo kale heshiiskaan wuxuu cadaynayaa shaqooyinka ay VNG International ka qabanayso Puntland.

Beynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda VNG International oo ah ururka Dowladdaha Hoose ee Holland ayaa kala saxiixday heshiis laba mashruuc oo kala ah mashruuca Danwadaag iyo Mashruuca SDLG, mashaariicdaas waxay taageeri doonaan u adkaysiga Dowladdaha Hoose ee Puntland iyo kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah.

Heshiiskaan oo socondoona ilaa iyo December 31, 2026, waxaa waji kowaad ka faa’ideysan-doona Degmooyinka Garowe iyo Qardho, sidoo kale waxaa la gaarsiin doonaa Degmooyinka kale ee Puntland.

Heshiiskaan oo Wasaaradda uu u saxiixay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Mire Xirsi waxa uu wax weyn ka tari doonaa kor u qaadista dhaqaalaha maxaliga ah ee Dowladdaha Hoose.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay soo dhaweysay una mahadcelisay Hay’adda VNG International oo Puntland ka fulin doonta mashaariic badan oo ay ugu horeeyaan kuwa kor ku xusan kuwo kale ku xigidoonaan, sidoo kale Wasaaraddu waxay guul u rajaynaysaa Degmooyinka ka faa’ideysanaya mashaariicdaan.

Dhammaad.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudah


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading