Video:-Abiy Oo gudoomay Bilada Nopel

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa manata si rasmi ah u guddoomay abaal-marinta caalamiga ee nabadda Nobel Peace oo uu ku guuleystay.

Isaga oo ka hadlayey munaasabadda lagu guddoonsiiyey abaal-marinta ayaa Abiy waxa uu cambaareeyey “kuwa fidiya naceybka” ee rabshadaha ku salaysan qowmiyadaha ka wada dalkiisa.

“Kuwa fidiya naceybk iyo kala qeybsanaanta waxay qalalaase ka dhex abuurayaan bulshadeena ayaga oo adeegsanaya barasha bulshada,” ayuu Abiy ku yiri khudbaddiisa aqbalaadda abaal-marinta.

“Waa inaan ka hortagnaa suntan naceybka,” ayuu yiri Abiy Ahmed.
Dhinaca kale Abiy ayaa ammaanay doorkii ay Eritrea, oo ay cadow isku ahaayeen dalkiisa, ka cayaartay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace oo uu maanta aqbalay.

Abiy ayaa abaal marintan ku helay laguna ammaanay dadaalkiisa xal u helidda qalalaasaha muddada ka dhex aloosana labada dal ee deriska ah ee Itoobiya iyo Eritrea.

“Anigoo ku hadlaya magaca Itoobiyaanka iyo Eritreyanka, gaar ahaan kuwa wax kaste u hurey nabadda, ayaan aqbalayaa abaal marintan” ayuu yiri Abiy, oo ka hadlayey munaasabadda abaal marinta oo ka dhacday magaalada Oslo.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayuu sidoo kale sheegey in uu ammaanayo doorkiisa nabadeed, ee madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, oo uu sheegey inuu abaal marintan magaciisa uu ku qadanayo,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading