VIDEO: Arday gaareysa 17, 735 oo u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland

17, 735 ( Todobiyo Tobankun, Todoba Boqol Sodon iyo Shan) Arday ayaa maanta u fariisatay imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2020/2021 u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee sanad Dugsiyeedka 2020/2021.

5,708 ( Shankun Todoba Boqol iyo Sideed ) oo ka mida Ardayda ayaa waxay u fariisanayaan Dugsiyada Sare, halka 12, 027 ( Labiyo Toban Kun, Labaatan iyo Todoba ) arday ay u fariisanayaan Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Dowladda Puntland, 132 goobood ayaa looga fariistay Imtixaanka.

Celceliska korarka sannadlaha ah ee ardayda u farisaneysa imtixaanka 2021, Fasalka Afraad ( F4) Gabdhaha: 6%, Wiilasha : 4%, Galaaska Sideedaad (G8): Gabdhaha: 9%, Wiilasha: 6%.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash ), oo si rasmiya u daah-furay imtixaanka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, isagoona Alle ugu baryey inuu imtixaanka u fududeeyo Ardayda Puntland ee maanta u fariistay Imtixaanaadka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading