VIDEO: Axmed Karaash oo kormeeray qaar kamid ah xarumaha Wasaaradaha Puntland (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaraddaha uu kormeeray iyo waaxyaha kala duwan ee xarumahaasi, wuxuuna bogaadiyay shaqada socota, isagoo faray inay muhimtahay marwalbo in lasii dardargeliyo adeega bulshada loo hayo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading