VIDEO: Axmed Karaash oo kulan la qaatay Guddiga gurmadka Laascaanood

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Ahmiyad gaar ah siinaya ka jawaabida baahiyaha Shacabka kasoo barakacay Xasuuqa Soomaaliland ka wado Magaalada Laascaanood iyo kuwa ku waxyeeloobay ayaa maanta kulan la qaatay guddigga dowladdu u xilsaartay gurmadka Laascaanood.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ku aadan shaqooyinka qabsoomay, kuwa socda iyo qorshayaasha degsan ka dhegaystay guddiga isaga oo faray inay dar-dargeliyaan hawlaha gurmadka dadka dhibaatadu kasoo gaadhay Xasuuqa.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa war bixin ka dhegaystay guddi hoosaad ku hawlan lasocodka xaaladaha deg-dega ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading