Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Soomaliya,ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku ansixiyeen xubin ka mid noqotay Guddiga madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka.
kulankaan ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh CIsmaan Jawaari,waxaana kulanka soo xaadiray xildhibaano gaaraya ilaa 159 Mudane.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa ay guda galeen ajendayaashii maanta la hor keenay iyadoo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku wargeliyay mudanyaashaa Golaaha in ay cod u qaadaan ajendaha koowaad oo ahaa Xubin ka mid noqon doonta Guddiga Madax-Banaan ee Hirgalinta Dastuurka, waxaana Muumino Sheekh Cumar u codeeyay Xldhibaano tiradoodu gaareysa 158 Mudane, waxaa diiday hal Xildhibaan, ma jirin Mid ka aamusay sidaas ayayna ku gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.