Video:-Baashe Maxamed Faarax oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland

Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa maanta doortay gudoomiyaha cusub ee golahaasi.Kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada oo hore iskaga casilay Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu tartan xoogani ku dhex maray Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, iyaga oo mudanayaasha golahana ka hor jeediyey khudbado la xidhiidha qaabka ay u hogaamin doonaan golaha.
 
Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey in Baashe Maxamed Faarax uu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada iyada oo ay u codeeyeen 39 xildhibaan, halka xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay u codeeyeen 38 xildhibaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading