Video:-Balaarinta Dekeda Bosaso oo si rasmi ah loo dhagax-dhigay

MADAXWEYNAHA OO DAAH-FURAY SHAQADA BALAARINTA IYO HORUMARINTA DEKADDA BOOSAASO.

Boosaaso: 24, January 2023:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shaqada balaarinta iyo horumarinta lagu samaynaayo Dekedda magaalada Boosaaso.

Dekedda ayaa la balaarin-doonaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horeeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m, waxaa intaa dheer u diyaarinta Dekadda Mid awood u leh Maraakiibta waa-weyn inay kusoo xirtaan, konteenarada guurguura, Mashiinada iyo Agabka shaqo ee Dekadda yeellanayso.

Munaasibadda waxaa kasoo qayb-galay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cisman, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimada dhaqanka, siyaasiyiin, haldoor, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading