Video:-Banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Axmed Madoobe oo ka dhacay Garbahaarey

Magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo waxaa ka dhacay dibad-baxyo rabshado wata, oo ay sameeyeen dad ka cabanayay maamulka Jubbaland.

Dad careysan ayaa beegsaday Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirsi,isaga iyo xubno la socda ay magaalada kormeer ku joogaan, waxaana la sheegayaa in dadkaasi ay Wasiirka gaarsiiyeen dakhar.

Dhinaca magaalada Kismaayo 2-qof ayaa ku dhaawacmay iska-hor-imaad ka dhacay xerada nabad sugida ee FIAT, halkaasi oo rag hubeysan oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ay weerareen xeradaasi si ay u soo furtaan dad halkaasi ku xirnaa.

Maamulka Jubaland,ayaan ka hadlin rabshadahan ka dhacay xerada Nabad-sugida iyo banaanbaxyada Garbahaarey.

Toodbaadyadii ugu danbeeyay waxaa isa soo tarayay mucaaradad xoog leh oo looga soo horjeedo maamulka Jubaland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading