Dowladda hoose ee Garoowe ayaa bilaabaysa dib u dhis lagu sameynayo argada barxada caasimadda Puntland, oo ay caan ku tahay Garoowe, sida uu shaaciyay Duqa caasimadda, Cabdulqadir Axmed Maxamuud (Geeddi).
Geeddi ayaa sheegay in la bixiyay qandaraaska dib u dhiska barxadda oo si casri ah loo dhisi doono. Waxaana maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda, Faarax Cawad Jaamac.
Garoowe ayaa ah magaalo si baaxad leh u koraysa, waxaana dhinac socda dhismaha waddooyinka casriga ah ee laga hirgelinayo magaalada oo 26 sano ee lasoo dhaafay ahayd caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.
Asbuucyada soo socda waxaa xariga laga jari doonaa buundo weyn iyo waddooyin muhiim ah, oo dhismahooda ay ku baxday Malaayiin dollar.
IDILNEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.