VIDEO: C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seerar oo ku baaqay in wada-hadal lagu dhameeyo Khilaafka Jubbaland

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax oo taageerayaashooda Magalada Kismaayo ugu doorteen Madaxweynayaasha Jubbaland ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay xayiraadii Socdaalka ee la saaray Sheekh Shariif iyo jawaabtii uu ka bixiyay.

Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in Sheekh Shariif uusan ka hadlin saraakiil iyo Madax katirsan Dowladda  ee laga celiyay Kismaayo, isaga oo ka dalbaday in uu jawaab ka bixiyo.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdirashiid xidig ayaa dhankiisa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in sidii waajibka aheyd uga hadlin xaalka Jubbaland oo uu doonayay in uu ka qeyb galo xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe, kaas oo ay diidan yihiin dib u doorashadiisa.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa ku sugan Magalada Kismaayo, iyaga oo sheegay in qofkii doonayo inuu wada-hadal wax ku dhameeyo oo Kismaayo imaada ay soo dhaweynayaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading