Ciidammada Nabad Sugidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay labo nin oo madaafiic ka ridday degmada Wadajir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.
Saraakiisha Ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in gaari ay wateen raggaan oo ay ku xirnaayeen walxaha Qarxa ay ciidamadu qabteen hayeeshee markii danbe uu qarxay gaarigaas.
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in shacabka ay la shaqeeyeen ciidanka ammaanka taas oo suurta gal ka dhigtay in laga hortago maleeshiyadkan caadaysatay inay shacabka Soomaaliyeed dhibaato u gaystaan.
Xalay ayay ahayd markii ciidammada ammaanka ay degmada Xamar Jajab ku qabteen labo nin oo qaf shacab ah ku dilay degmadaas, waxaana muuqata in ciidammada ammaanka ay haatan xil wayn iska saareen sugidda ammaanka Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.