Video:-Ciidamada AMISOM oo wareejiyay Garoonka Muqdisho Studium

Warsaxaafadeed ay soo saartay dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladu ay ciidamada Amisom kala wareegtay garoonka Muqdisho Stadium.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay dawlada Soomaaliya bilaabayso qorshe ay dib ugu hawlgalinayso garoonka, isla markaana Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika.

Saraakiisha Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa iyaguna uga warbixiyey Madaxweynaha qorsheyaasha ay kaga baxayaan garoonkan, iyagoona tilmaamay in ay haatan ka qalab urursadeen, kuna wareejinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhinaciisa u mahadceliyey dalalka Afrika ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, iyagoona garab ku siiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, gaar ahaan qaybihii lagu ciyaari jiray kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybihii nasashada ee Garoonka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading