Video:-Ciidamada garoonka Kismaayo oo talaabo ka qaaday Seeraar iyo Dabley daacad u ahayd

Ugu yaraan afar Askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada amaanka Jubaland iyo ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenkii hore ee Jubaland, haddana ka mid ah musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Jubaland.

Ciidamo bastoolado ku hubaysnaa ayaa gudaha u galay garoonaka si ay u soo dhaweeyaan Cabdinaasir Seeraar oo ka yimid magaalada Muqdisho, iyadoo kadibna ciidamada ammaanka Garoonka oo doonayay inay baaraan boorsooyinka Cabdinaasir Seerar Maax ay iska caabin kala kulmeen Ciidamadiisa.

Afarta qof ee dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka magaalada Kismaayo, ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay isku horimaadkaasi.

Isku horimaadkan ayaa imaanaya xili magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad ka dhalatay qaabka loo marayo soo xulista xildhibaanada cusub,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading