Video:-Ciidamadii ugu horeeyay oo Turkish ah oo gaaray Qatar

Wasiirka difaaca dowladda Qatar ayaa shaaciyay in ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Turkiga ay soo gaareen magaalladda Doha ee caasimada dalka Qatar, si ay uga qeyb-qaataan dhoola tus military oo wada jir ah.
 
Ciidamada ayaa tababaradoodii ugu horeeyay ka bixinaya saldhiga military ee lagu magacaabo Tariq bin Ziyad base.
 
Tababarkan ayaa waxaa uu yahay mid muddo la qorsheynayay, waxaana uu qeyb ka ahaa heshiis laba dhinac ah oo dowladdaha ay wada gaareen, kaas oo lagu adkeynayo awooda labada waddan iyo sidii deganaashaha iyo xasiloonida loo darsi lahaa.
 
Heshiiskaasi ayaa la wada saxiixay bishii April ee sanadkii 2016.
 
Horaantii bishan Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meelmariyay hindise oggolaanaya in ciidamo Turkish ah loo daadgureeyo dalka Qatar,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading