VIDEO: Ciidanka Puntland oo fashilayay Qaraxyo lagu aasay Bartamaha Boosaaso

Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidamada PSF-ta iyo Booliska Dowladda Puntland ayaa ay kusoo saareen qaraxyo miino oo lagu Aasay bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud, ayaa sheegay in Miinadaas ay cadawga Puntland doonayeen inay ku dhibateeyaan Shacabka, balse ay fashiliyeen, kana soo saareen Ciidanku goobtii lagu Aasay.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in howlgallada laga fulinayo gudaha Magaalada Boosaaso ay noqon doonaan kuwa isdaba-joog ah ilaa laga xaqiijinayo Amniga Guud ee Boosaaso oo muddooyinkii ugu dambeeyay soo hagaagayay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading