Video:-Ciyaaryahan la ooyay cunuriyad lagu sameeyay awgeed

Ciyaaryahan u dhashay dalka Brazil ayaa cunsurinimo kala kulmay taageerayaal xili ay soo dhamaaday ciyaartii uu ciyaarayay. Everton Luiz oo 28 sano jir ah una ciyaara kooxda Partizan ee ka dhisan magaalada Belgrade ee dalka Serbia.

Ciyaaryahankaan ayaa cunsurinimo midibkiisa iyo muuqaalkiisa ku saleysan kala kulmay taageerayaasha kooxda FK Rad, waxayna taageerayaasha kooxdaasi ay ku oriyeen Everton Luiz mar kasta oo uu kubadda qabsado, iyagoo ku tilmaamayay daanyeer.

Markii ay ciyaartii dhamaatay ayuu ooyin ku dhuftay, isagoo aad ugu xumaaday cunsurinimada taageerayaasha kooxdii uu kasoo horjeeday, waxaana kusoo yaacay ciyaartoyda kale ee kooxdiisa iyo macallinkiisa oo madax salaax u galay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Video:-Ciyaaryahan la ooyay cunuriyad lagu sameeyay awgeed"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading