Gaashaanle Sare Caydiid Axmed oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland iyo gaadiid ciidan uu wato ayaa isu soo dhiibay Puntland.
Gaashaanlle sare Caydiid Axmed Nuur, ayaa isu dhiibaya Ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Sanaag.
Taliyaha iyo Ciidan uu hoggaaminayo ayaa tagay Magaalada Qardho ee Gobolka Bari, waxaana la tilmaamay in saraakiil ka tirsan Puntland ay qaabileen Jananka iyo ciidankiisa.
Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan sarkaalkan isa soo dhiibay, islamarkaana ka soo goostay Soomaaliland.hoos ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.