Video:-Colaadii Dhumaay Ee beelaha Bah-Ararsame iyo Qayaad oo is afgarad laga gaaray

Shirkii Nabadeynta beelaha walaalaha ah ee deegaanka Dhumay oo ka socday magaalada Jigjiga ayaa lagu gaaray heshiis rasmi ah oo ka kooban 7 qodob.

1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood .

2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad.

3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool , mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed.

4:Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya .

5:Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxay in ay bixiso 200 oo Halaad iyo $48,000 oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood .

6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood .

6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) .

7:In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba .

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading