Video:-Daawo Madaxweyne Farmaajo Oo Adis-ababa uga qaybgalaya shir madaxeedka madaxda Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka aasaaska u dhigay Ururka Midowga Afrika, ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirkanna waa mid aan dooneyno inaan sare ugu qaadno xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee aan la leenahay qaraadda inteeda kale.”

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Afrika, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading