Video:-Daawo Qaraxii Kabul Oo dhimashadu sii korortay

Qarax baabur ayaa maanta oo Sabti ah gilgilay banaanka dhisme ay dawlada Afghanistan ay leedahay oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Kabul.
 
93 qof ayaa dhintay, in kabadan 160-kalena way ku dhaawacmeen qaraxaasi oo loo adeegsaday baabuur “Ambulance” oo walxaha laga buuxiyay.
 
Mas’uuliyiinta yaa sheegay in qofka ismiidaamiyey uu walxaha qaraxa ka soo buuxiyey gaadhi kuwa gargaarka ah ee loo yaqaano Ambulance-ka si uu weerarka uga fuliyo goob ay si weyn ugu xoonsanaayeen dadweyne badan.
 
kooxda Taliban ayaa isla markiiba sheegatay masuuliyada weerarka, waxaana uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdu in bartilmaameedku uu ahaa xubno ka mid ah ciidamada ammaanka ee Afghanistan oo goobta isugu imi.
 
Weerarka ayaa imanaya todobaad kadib markii la weeraray dhismaha huteelka Intercontinental hotel ee magaalada Kabul oo ah goob si xoogan ammaankeeda loo ilaaliyo, weearakaas oo lagu dilay ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan 14 qof oo ajaanib ah oo ugu yaraan 4 ka mid ah ay ahaayeen Maraykan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading