Video:-Dadkii gubay Axmed Dowlo oo dil lagu Xukumay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex qof oo lagu helay inay horey u dileen nin lagu magacaabo Axmed Mukhtaar Dowlo, bishii Sebtember sannadkii hore.

Saddexdan qof ayaa kala ah laba rag ah iyo qof dumar ah, waxaana maxkamaddu sheegtay in xukunkaasi racfaan ka furan yahay, sida ay tebisay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Dilkan ayaa dhacay sannadkii hore kadib muran ka dhashay guur dhex maray wiil ehel la ah marxuumka la dilay iyo gabar ku ehel ah eedeysanaayasha.

Xilliga dilkaasi dhacay ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ay aad u cambaareeyeen dilka iyo caadooyinka lala xiriiriyo faquuqa guurka.

Ehelleda marxuum Axmed Mukhtara Saaalax ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn xukunka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading