Video:-Deegaamada Puntland oo si weyn looga ciiday

Garoowe: 21 April 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa Shacabweynaha Caasimada Garoowe salaadii Ciidul Fidriga Kula tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare.

“Waxaan ugu hambalyeeynaya Bulshada farxada Ciida, Anigoo alle ka baryaya in uu inaga aqbalo Acmaashii wanaagsaneyd ee aynu soo gudanay Bishii Ramadaan.” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda Oogista Salaadda Ciidul Fidriga waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Dhaqanka, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Caasimada .

CIID WANAAGSAN,

= DHAMMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading