Video:-Dhismaha Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo oo wajigii koobaad lasoo gabagabeeyay

Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo,ayaa hada maraysa 88-km ,waxayna gaartay magaalada Baran ee xarunta Gobolka Sanaag.
 
Waxaa halkaas ku eg wajigii koowaad ee dhismaha wadada kaasoo ah Caro-tuurka,waxaana bisha 9-aad bilaabanaya wajiga labaad ee dhismaha Wadada,kaasoo ah isaguna noqon doona Jay iyo laami wada socda.
 
Hawsha dhismaha wajiga labaad ee Jayga iyo laamiga,ayaa waxaa dhigaya oo wadada saaraya qalab cusub oo hada loosoo iibshay,kaasoo ka yimid dalka Hindiya.
 
Waxaa soo socda oo soo maraya Dalka Cumaan labadii Warshadood ee Daamurka iyo Jayga.
 
Shaqaalaha wadada dhismaheeda gacanta ku haya,ayaa iskugu jira Somali iyo ajaanib.
 
Dowlada Puntland iyo shacabka oo sikaashanaya,ayaa ukacay dhismaha Wadadan ,waxyna umuuqata xiligan in ay hirgashay hamigoodii..
 
Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo,ayaa ah mid muhiim u ah Puntland marka laga eego dhan walba,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading