Video:-Dhoolatuska Milateri Ee Ruushka oo keenay Muwaadiniinta Maraykanka in ay ka baxaan Ukrain

Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ee weli jooga Ukraine in ay degdeg uga baxaan dalkaas.

Wuxuu sheegay in Ruushku ciidamo soo dhoobaya xadka uu dalkaa la leeyahay oo ay xiisaddu cakirantahay isaguna aanu doonayn inuu u diro ciidammo soo samatabixiya muwaadiniinta Maraykanka ah ee dalkaa jooga hadiiba ciidamadaa Ruushku dalkaa galaan.

Biden ayaa sheegay in Arrimuhu si degdeg ah ay isu baddeli karaan, waxa uuna hadalka madaxweynaha imaanaya kadib markii hogaamiyayaasha Estonia, Latvia iyo Lithuania ay ugu baaqeen xulafadooda NATO inay xoojiyaan taageerada militari ee bariga Yurub.

Ruushka ayaa si isdaba joog ah u beeninayay inuu jiro qorshe uu ku doonayo inuu weeraro Ukraine inkastoo in ka badan 100,000 oo askari ay ku xadka xadka ay la wadaagaan Ukraine.

Ruushka ayaa uu bilaabay dhoolatus ciidan oo baaxad leh oo ay la samaynayso dalka ay jaarka yihiin ee Belarus, Ukrainna waxa ay ku eedaysay Ruushka in uu ka xannibay marinka badda madow.

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dhaqangeliyaan “khadka cas” si loo hubiyo in Ukraine aysan ku biirin gaashaan buurta Nato.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku boorisay in muwaadiniinta reer Mareykan ee ku sugan Ukraine ay si degdeg ah uga baxaan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay la tacaalayaan ciidamada aadu tun weyn ayna xaaladda si dhakhsiya isu badeli karto.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading