VIDEO: Dooxada Bixin oo laga mamnuucay in loo dalxiis tago

Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa mamnuucay in loo dalxiis tego dooxada Bixin, oo ka tirsan caasimadda Garoowe, islamarkaana dhanka waqooyi kaga beegan magaalada.

Saraakiisha Booliiska Nugaal, ayaa laga soo xigtay in dadweynaha laga mamnuucay dooxada Bixin, kadib markii qashin badan lagu daadiyay, taas oo waxyeello gaarsiisay bilicda iyo nadaafadda dooxadaas.

Sidoo kale, Booliiska ayaa mamnuucay in lagu dabaasho dhammaan ceelasha ku yaal togaga Garoowe, kadib markii todobaadkan ilaa saddex qof ay ku dhinteen ceelka Afdhurwaayaale ee duleedka caasimada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading