Video:-Dowlada Puntland oo fariintii ugu adkayd ukala dirtay Muuse Biixi iyo Dowlada fadaraalka

Haduu Muuse Biixi soo waraystay Koofi anaguna Saydikii ayaan soo waraysanay waxaana noo balan ah Laascaanood”ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Quraanjecel.

Sidoo kale Quraanjecel waxuu fariin udiray shacabka Puntalnd ee Laascaanood lagu gumaynayo wxauuna yiri”Laascaanood waa la xoraynayaa gunimadana waa laga dulqaadayaa shacabkaas’.

Quraan jecel waxuu kaloo fariin adag udiray Reer Sool-ka kale,waxuuna yiri”Xudun,Buuhoodle iyo Taleex hadii Laascaanodo la gumaynayao ma daawanaysaa Puntland kale oo ma Falastiin baan ka dhigaynaa soo garab istaaga Ciidankiina mujaahidiinta ah ee casharka u dhigay kuwa soo duulay”..

Dhanka kale Quraanjecel waxuu fariin udiray Dowlada Fadaraalka ah oo maalmihii alsoo dhaafay ku mashquulsanayd la xiriirka Muuse Biixi,iyadoo iska indho tiraysa xaqa Puntland iyo gardarada maamulka Hargaysa

Afhayeenka Madaxtooyada Dowlada Puntland Quraanjecel waxuu yiri”Majirto cid dhulka Puntland bixin karta ama gorgortan ka geli karta ,Dowlada fadaraalkana kuam dhacdo xaqna uma laha in ay bixiso dhulka Puntalnd”.

Hadalkan ayaa jawaab u ah hadal uu maalmo ka hor saxaafada ka sii daayay muuse Biixi-ga Hargaysa,waana hadalkii u adkaa ee kasoo baxa Madaxtooyada Puntaldn tan iyo intii uu bilwoday gulufta dib uxoarynta Sool.

Shacabka Puntland iyo guud ahaan kan Somaliyed ee jecel ilaalinta midnimada iyo Qaranimada Dalka,ayaa aad usoo dhaweeyay hadalkan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading