Video:-Eretereya Oo dib ufuratay Safaaradoodii Adis-ababa 20-sano kadib

Eritrea ayaa dib u furtay safaaraddeedii Ethiopia. Dib u furista safaaradda ee maanta ayaa timid toddobaad kadib markii labada dal ay ku dhawaaqeen inay soo afjareen labataan sano oo is-marin waa milatari uu ka taagnaa xudduudda, kaasi oo kumanaan qof ay ku dhinteen.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki u gacan geliyey furayaasha safaaradda oo ku taalla bartamaha magaalada Addis-Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Furitaanka safaaradda ayaa soo geba gebeysay booqasho saddex maalin qaadatay oo uu Afwerki ku joogay Ethiopia.

Kumanaan qof ayaa ku dabaal-degay Addis-Ababa axaddii, ayada oo Abiy iyo Isais ay ka qeyb galeen xafladda nabadda laba dal ee horey cadowga isugu ahaa.

Isais ayaa dadka Ethiopia u sheegay “naceybkii, faquuqii iyo shirqooladii iminka way dhammaadeen”, isagoo intaas ku daray inay diyaar u yihiin inay horey ugu dhaqaaqaan ayaga oo mid ah, islamarkaana cidna aysan ka xadi karin jaceylka ay heleen.

Abiy ayaa isna yiri “Is-cafisku wuxuu xorreeyaa qalbiyada, marka aan leenahay dib ayaan u heshiinay, waxaan ula jeednaa waxaan dooranay waddadii is-cafinta iyo jaceylka.”

 

 

Halkan ka daawo miuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading