VIDEO: Garaad Cabdikariin “Dagaalka Laascaanood istaagi maayo ilaa Isaaq ku laabto OOG”

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Laascaanood, Garaad Cabdikariin Cali Nuur ayuu ka hadlay duqeymihii u dambeeyay ee maamulka Somaliland ka geystay xarunta gobalka Sool, waxaana uu sheegay in duqeyntaas ay geysatay khasaare fara-badan.

Garaad Cabdikariin ayaa sheegay in ciidamada maamulka Somaliland ay laayeen waxgaradkii, maatadii, sidoo kalena ay dumiyeen magaalada Laascaanood, aysana aqbali doonin in dagaalku istaago ilaa ay ka tagaan Oog oo xadka u dhexeeya labada beelood.

Madaxweynaha Jabuuti, ayuu Garaad Cabdikariin sheegay in uu qeyb ka yahay dagaalka ka socda Laascaanood, ayna ciidamo, hub iyo diyaaradaha basaaska ee Jabuuti ku taageerayo Somaliland. Waxaana uu intaa ku daray in uusan marna Ismaaciil Cumar Geelle dhexdhexaad ka noqon karin colaada Sool.

IDILNEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading