Video:- Garaad Jaamac oo si toos ah ucadeeyay dhabarjabinta M.Xasan Ee difaaca Midnimada Somaliyed

Xaqiiqdii Garaadka hadalkiisu,waa ka sarreeyaa Dhulbahante,Harti iyo Daarood.

Somali midnimadeed iyo wadajirkeed qiyam ku fadhiya,ayuu dul istaagay.

Waxuu Biyo ku shubay cid walba iyo qorshe walba oo lagu hagardaamaynayo Qaranimada Somaliyed.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo xaq loogu lahaa in uu hiil iyo hooba siiyo difaaca Qaranimada ee LC,balse ka gaabiyay,isagoo ka duuliya aragti hoose oo Qabyaaladeed,ayuu ku dhuftay Madfac.

Laba wajiilaynta Xasan ku dhaqmayo iyo midabkiisa rasmiga ah,ayuu Toosh ku ifiyay,waxuuna Bulshada caadiga ah utilmaamay Ninka dagaalka kula jira qadiyadooda.

Garaad Jaamac hadalkii ugu cuslaa Sanadkan oo masuul Somaliyed jeediyo,ayuu sii daayay,kaasoo gilgilay Qalbiyada Bulshada Somaliyed ee waxgaradka ah.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading