Golaha Degaanka cusub ee Degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen, kaddib doorasho gacan tag ah oo xalay ka dhacday Degmadaas.
Guddoomiyaha Degmada Burtinle ayaa waxaa ku tartamayay Labo Musharax, iyadoona uu ku guuleystay Sayid Maxamuud Xirsi, kadib markii musharaxii latartamayey uu u tanaasuley.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Burtinle ayaa loo doortay Saalax Maxamed Abdulle, isagoona helay codad gaaraya 11 Cod, halka musharax Cali Geele Maxamed oo la tartamaya uu isna helay 9 cod uu helay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed C/ixmaan Dhabancad ayaa khudbad ka jeediyey Madasha markii ay soo dhammaatay doorashadda Gudoomiyaha Degmada Burtinle iyo Ku xigeenkiisa ayaa Golaha iyo Maamulka Degmada Buurtinle kula dardaarmay inay kawada shaqeeyaan Hormarinta Degmada Burtinle.
Golaha Degaanka cusub ee Degmada Burtinle oo gaaraya 22 xubno, ayaa 7 kamid ah ay tahay Haween, waxaana aad u soo dhaweeyay arrintaas Dowladda Puntland, Waxgaradka iyo Qeybaha Bulshada Degmadaas.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.