Video:-Golaha wasiirada Hir-Shabelle oo maanta la dhaariyay

Munaasabada dhaarta golaha wasiirada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay munaasabadan ayaa waxa uu soo bandhigay qorshaha dowladiisa ee afarta sano ee soo socota.

Hadal gaaban oo uu jeediyay golaha wasiirada ee la dhaariyay ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi waxaa kula dardaarmay inay waajibaadkooda shaqo ka soo dhalaalaan isla markaana ummadooda ay ugu adeegaan cadaalad iyo sinaan.

Sidoo kale munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa waxaa ay isugu jiraan 23 wasiir,6 wasiiru dowle iyo 23 wasiir ku xigeen. Golaha wasiirada ayaa 33 ka mid ah waxa laga soo xulay xildhibaanada baarlamaanka halka inta kale aysan ahayn xildhibaano,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Video:-Golaha wasiirada Hir-Shabelle oo maanta la dhaariyay"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading