VIDEO: Goormee la xariga laga jarayaa dhismaha Dekedda Garacad ?

Waxaa dhowaan la filayaa in xariga laga jaro wajiga kowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee gobalka Mudug, kaas oo socday muddo sannado ah.

Dhismaha wajiga kowaad ee Dekedda ayaa ka kooban labo jambi oo ay kusoo xiran doonaan maraakiibta iyo doomaha yimaada Dekedda Garacad, kuwaas oo kala ah (A&B).

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxda sare ee DFS ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan furitaanka Dekedda, oo la qorsheynayo ilaa 20 bishan October.

Qabanqaabada munaasabadda xarig ka jarka Dekedda cusub ee Garacad ayaa hadda socota, waxaana sidoo kale lagu casuumay wafuud ka socota Dawladdaha dariska ah, sida Itoobiya iyo Jabuuti.

Dekedda Garacad ayaa ah mashruucii ugu weynaa ee laga hirgeliyo Soomaaliya, kaas oo si isku tashi bulsho ah ay u dhisanayaan dad Soomaaliyeed.

IDILNEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading